Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Jubbaland Oo Aqbashay In Doorashada Lagu Qabto Xarunta UN Ee Kismaayo

Posted: August 6, 2019 at 6:06 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ugu dambeyn ogolaaday in doorashada Madaxtinimada Jubaland lagu qabto xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada Kismaayo.

Kulan shalay dhexmaray Axmed Madoobe iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa Axmed ku ogolaaday in amniga doorashada ay sugaan Booliska AMISOM iyo kuwa Jubaland sidoo kalena doorashada ka dhacdo xarunta Qaramada Midoobey.

Axmed ayaa horay u diidanaa tallaabo kasta oo dowladda Federaalka ah ku lug leedahay,waxaana goobta uu hadda aqbalay markii hore soo jeedisay dowladda Federaalka ah.

Kulankii shalay dhexmaray Axmed Madoobe iyo Taliyaha AMISOM oo aan loo ogolaan Warbaahinta islamarkaana xitaa warbaahinta Jubaland aysan helin ayaa markii uu dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.

Jubaland ayaa warbaahinta la wadaagtay muuqaal hore oo dhexmaray Taliyaha AMISOM oo uu la socda wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Axmed Madoobe,waxaana dad badan is weydiinayaan sababka kulankii shalay loogu diiday Warbaahinta.