Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Al-shabaab Oo Baay Kusoo Bandhigay Ergooyinkii Jubbaland Iyo K/galbeed

Posted: August 7, 2019 at 5:47 am   /   by   /   comments (0)

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa 100 ka mid ah Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya ku soo bandhigay degaanka Buulo Fulaay ee Gobolka Baay.

Goobta lagu soo bandigayay Odayaasha ayey AL-shabaab sheegeen in loogu soo gaba gabeeyay Siminaar muddo u socday Odayaasha Maamullada Koofur Galbeed iyo Jubaland.

Al-shabaab ayaa ku sheegtay Odayaasha lagu soo bandhigay Buulo fulaay qeybta 1aad ee Ergooyinkii Jubaland iyo Koofur Galbeed.

Waxaa ay todobaadkii hore sidan oo kaale 86 Oday dhaqameed ugu soo bandhigeen Degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka soo kala jeeday Galmudug iyo Hirshabeelle.

Maamulka Galmudug oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in Odayaasha u tagay Al-shabaab ay iyaga la midyihiin maamulkuna uu gacan adag uga hortagayo.

Al-shabaab ayaa 15kii Bishii la soo dhaafay soo saaray amar ay Odayaasha dhaqanka iyo ergooyinkii doortay Baarlamaanka Soomaaliya isaga diiwaan gelinayaan meelaha ay ka talinayaan.

Amarkaas oo qaadanaya 45 cisho ayey AL-shabaab sheegeen in uu ku egyahay 1da Bisha September ee sanadkan intaas ka hor qofkii aan is diiwaangelina uu wajahayo sharciga sida ay sheegeen AL-shabaab.