Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Puntland Oo Joojisay Bixinta Kaararka Aqoosiga Ee Nabadoonada

Posted: August 10, 2019 at 6:09 am   /   by   /   comments (0)

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu hakiyay bixinta warqadaha la siiyo nabaddoonnada degaannada Maamulka Puntland.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in la joojiyay bixinta waraaqahaas ilaa amar dambe.

Wareegtada ayaa Guddoomiyayaasha Degmooyinka iyo Gobollada Puntland joojiyaan bixinta waraaqahaasi ilaa amar dambe.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in ay dib u habeyn ku heyso habraaca bixinta Warqadaha nabaddoonnimada ee degaannada Maamulka Puntland dibna ka soo sheegeyso xilliga dib loo billaabayo bixinta warqadahaas.