Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynihii Hore Ee Soomaalida Itoobiya Oo Kala Diray Qareennadiisa

Posted: August 10, 2019 at 6:11 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku dhawaaqay in uusan ku kalsooneyn maxkamadda darajada 4aad ee dambiyada ee dalka Itoobiya islamarkaana ay ka buuxaan wax is daba marin xagga garsoorka ah.

Cabdi ayaa ku dhawaaqay in uu kala diray kooxdii u doodeysay ee qareennada ahayd kaddib markii uu sheegay in Maxkamadda ku fashilantay in ay dhegeysato doodda qareennadiisa .

Waxaa uu sheegay in maalin kasta uu Maxkamadda tagayo islamarkaana dhegeysanayo doodda dacwad oogayaasha iyo Garsoorayaasha isaguna uusan is difaaci doonin.

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in uusan ku kalsooneyn Qareennadiisa iyo Garsoorayaasha Maxkamadda oo uu sheegay in difaacayaashiisa aan loo ogoleyn in ay soo bandhigaan dooddooda.

Maxkamadda ayaa dhegeysiga wareegga xiga ee maxkamadeynta Cabdi ka dhigtay 19ka bishan August waxaase uu ballanqaaday in uusan is difaaci doonin kalana diray qareennadii difaaci lahaa.

Todobaadkii hore ayaa la soo wariyay in Cabdi Iley isku dayay in uu xabsiga ka baxsado laakiin ay Ciidamada amaanka ka hor tageen.

Cabdi oo ka hadlay warkaas ayaa sheegay in laga been abuuray islamarkaana warbixintaas ay sababtay in Ciidamada Milatariga Federaalka, Booliska Federaalka iyo ilaalada Xabsiyada la geeyo goobta uu ku xiranyahay Cabdi.

Wargeyska qoray warkaas ma beenin, sidoo kalena ma daabicin war cadeeynaya jiritaankiisa Cabdi ayaana sheegay in dhaq dhaqaaqii yaraa ee uu heystay hadda la dhaafiyay islamarkaana ilaalo xoog leh la duldhigay.