Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
DFS Oo La Xisaabtameysa Shirkado Dayacay Xujeyda Soomaaliyeed
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tallaabo ka qaadeyso afar sharikadood oo ku xadgudbay xujeydii Soomaalida ee ay sanadkan qaadeen.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuuboow, ayaa sheegay in Sharikadahaasi ay dayaceen xujeyda islamarkaana uga tageen meelo aan ku habbooneyn.
Waxaa uu xusay in sidoo kale Gaadiidka Basaska ee xujeyda qaar u qaadi lahaa Mina aysan helin islamarkaana howshaas ka gaabiyeen Sharikadihii diyaaradaha ee daabulay.
Sawirro laga qaaday Xujeyda islamarkaana la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya iyaga oo jiifa dhulka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan dhowr sharikadood u oggolaatay in ay Xujeyda Soomaalida geeyaan Xajka,waxaana jiray tartan la geliyay in ka badan 80 Sharikadood.
Tartanka ayey xukuumaddu sheegtay in ay ku soo baxeen 58 sharikadood kuwaas oo xaq u yeeshay in ay xujeyda daabulaan.
Recent Comments