Featured, Arrimaha Siyaasada
Ganacsade Caan Ah Oo Lagu Dilay Baydhabo
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sheegay in maamulka uu ku daba jiro dadkii ka dambeeyay dilkii Ganacsade Cali Marguus ee shalay ka dhacay duleedka Baydhaba.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay ku laabtaan furumaha kaddib markii shalay ka soo baxeen aagagga hore iyaga oo qaarkood lagu eedeeyay in ay ka qeybgaleen dagaal beeleed.
Dilka Cali Marguus iyo dad kale oo la socday ayaa sababay in dagaal beeleed iyo is ugaarsi ka billowdo duleedka Magaalada Baydhaba.
Isla shalay ayaa labo qof lagu dilay duleedka Baydhaba kuwaas oo uu dilkooda daba socday dilkii Ganacsadaha iyo dadkii la socday islamarkaana aano qabiil ka billaabatay.
Lafta Gareen ayaa uga digay Ciidamada xoogga dalka in ay ku lug yeeshaan aanooyinka qabiilka waxaa kale oo uu sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan dadka ka dambeeyay dilka Ganacsadaha iyo dilalkii daba socday.
Recent Comments