Featured, Arrimaha Siyaasada
Shir DFS Iyo Maamul Goboleedyada Uga Furmaya Baydhabo
Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta ka furmaya shirka Wasaaradaha Boostadam Isgaarsiinta iyo Tignolojiyadda ee dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tignolojiyadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Baydhaba shalay gelinkii dambe.
Shirkan oo uu maanta Wasiirka ka furayo Magaalada Baydhaba ayaa waxaa xoogga lagu saarayaa Isgaarsiinta dalka iyo sidii loo buuxin lahaa baahiyaha dhinaca Isgaarsiinta ah ee ka jira dalka.
Maxamed Nuur Sheekh oo ah Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tignolojiyadda Maamulka Koofur Galbeed SOomaaliya ayaa sheegay in shirkaas uu ka rajeynayo in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo muhiim u ah Isgaarsiinta dalka.
Wasaaradaha Isgaarsiinta ee dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ay shirar noocan ah horay ugu yeesheen Magaalada Muqdisho.
Recent Comments