Featured, Arrimaha Siyaasada
Habraaca Shirka Dib u Heshiisiinta Dhuusamareeb
Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiinta Beelaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ay soo saareen habraac la xiriira qabsoomida Shirkaas oo diyaar garoowgiisa uu ka socdo deegaanada Maamulka Galmudug.
Guddiga ayaa soo saaray Shan qodob oo uu ku furmo karo shirkaas, oo lagu wado in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo 17 ka Bishaan,waxaana Go’aanada ay soo saareen ka mid ah.
1-Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.
2-Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.
3-Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.
4-War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.
5-Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.
Magaaladda Dhuusamareeb waxaa ka socda u diyaar garowga ku aadan Furitaan shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug oo lagu wado in uu furmo 17 bishaan.
Recent Comments