Featured, Arrimaha Siyaasada
Ehlada Kallumeysato Lagu Haysto Somalia Oo Fariin u Diray DFS
Eheladda qeybta labaad kalluumeysato u dhashay Dalka Thailand islamarkaana ka shaqeeya Xeebaha Soomaaliya ayaa codsaday in dowladda Thailand fududeyso sidii loo siideyn lahaa wiilashooda.
Dadka Kalluumeysatada ehelkooda ah ayaa sheegay in 20 qof ay ka shaqeeyaan Doon lagu magacaabo Waddani 2 oo lala leeyahay tii todobaadkii hore fasaxday 18 qof oo u dhashay Thailand.
20ka qof ee wali ku jira Gacanta ganacsadaha Soomaaliga ah ayey ehelkooda sheegeen in aysan ku shaqeyn oggolaanshiyaha dowladda Thailand.
Doonta Waddani 2 ayaa lagu arkay xeebaha dalka Cumaan iyada oo ku sii jeedda dhinaca dalka Iraan sida ay sheegayaan ehelka ragga doontaasi saaran ee u dhashay Dalka Thailand.
Agaasimaha Hay’adda Badaha ee dalka Thailand Apichai Sompolgrunk, ayaa sheegay in hay’addiisa ay waddo ururinta warbixinnada ku saabsan raggaas islamarkaana kaalinteeda ka qaadaneyso sidii loo siideyn lahaa.
Afhayeenad u hadashay Wasaaradda arrimaha dibadda Thailand Busadee Santipitaks ayaa sheegtay in safaaradda Thailand ee Iraan ay sheegtay in Doonta Waddani 2 ay aad uga fogtahay biyaha Dlaka Iraan islamarkaana adag tahay in lala xiriiro.
Recent Comments