Featured, Arrimaha Siyaasada
Kheyre Oo Furaya Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in uu tago Magalaada DHuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Safarka Kheyre ayaa la xiriira furitaanka shirka dib u heshiinta Maamul Goboleedka Galmudug oo lagu wado in uu dhawaan ka furmo Magaaladaasi.
Wafddi horudhac u ah Ra’iisul wasaaraha ayaa shalay gaaray Magaalada DHuusamareeb,waxaana ay diyaarinayaan qaabilaadda ra’isalwasaaraha Soomaaliya.
Isla shalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb la geeyay diyaarado waday Ciidamo Boolis ah oo sugaya amniga doorashada iyo shirka dib u heshiinta,waxaana ay la wareegeen xaruntii hore ee Xaaf iyo meelo kale oo ka mid ah Magaalaada Dhuusamareeb.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka jira isfaham waa u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Maamulka Ahlu Sunna ee Magaaladaas ka taliya.
Guddiga shirka dib u heshiinta Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in 24ka saac ee soo socda uu shirkaasi ka furmi doono Magaalada Dhuusamareeb.
Recent Comments