Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Ilhaan Cumar Oo Lagu Baaqay In Laga Saaro Kongareeska Mareykanka

Posted: August 28, 2019 at 6:42 am   /   by   /   comments (0)

Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ee ka arrimiya Gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa meel mariyay sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga saaro aqalka Kongareeska ee dalka Mareykanka.

Tommy Hanes, oo ah Xildhibaanka Gobolka Alabama ku matala Aqalka hoose ee Mareykanka aya soo jeediyay hindisahan,waxaana ansixiyay Golaha loo soo gaabiyo GOB ee Xisbiga Jamhuuriga ah.

Guddiga ka socda Golaha degaanka Gobolka Alabama ayaa waxaa tagi doonaan aqalka hoose ee Mareykanka iyaga oo doonaya in xeerkaas la meel mariyo Ilhaanna laga eryo aqalka hoose ee Mareykanka.

Xisbiga Jamhuuriga oo ah Xisbi ay siyaasaddiisu adagtahay islamarkaana uu ka mid yahay Donald Trump ayaa waxaa uu dagaal ku hayaa Ilhaan Cumar.

Xildhibaannada kale Gobolka Alabama ayaa taageeray qaraarkan waxaana ay Ilhaan Cumar ku cambaareeyeen hadalladeeda ka dhanka ah Israel iyo waxa ay ku sheegeen kala sooca Dadka Mareykanka ah.

Xafiiska Ilhaan Cumar ama midka Xildhibaannada Gobolka Alabama ku matala Kongareeska kama jawaabin codsiga ay soo jeediyeen Wakiillada Gobolkaas ee doonaya in Ilhaan laga saaro Aqalka hoose ee Mareykanka.