Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Qorshaha AMISOM Ee Dhuusamareeb Iyo Guriceel

Posted: August 31, 2019 at 6:48 am   /   by   /   comments (0)

Wararka Maandeeq ay ka heleyso Gobolka Galgaduud waxa ay sheegayaan in Ciidamo katirsan AMISOM ay tageen Magaalada Guriceel.

Ciidamadaan waxaa loo qorsheeyay in ay sugaan ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Shiirkole oo lagu qabanayo Shirka dib u heshiinta Galmudug.

Waxaa Dhuusamareeb tagay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee u dhashay Dalka Itoobiya Tigabu Yilma iyo saraakiil la socotay, waxa ay la kulmeen Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Ciidamada AMISOM waxa ay ka kala socdaan dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxa ay wataan gaadiid dagaal iyaga oo Safar dhulka ah ku tagay Guriceel.

Ilo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb waxa ay Maandeeq u sheegeen in Ciidamada Jabuuti ay ku hakan doonaan Xarunta Galmudug.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku howlgalaya katirsan AMISOM waxa ay u gudbayaan Magaalada Hobyo oo a sheegayo in la bilaabayo dhismaha Dekeda Hobyo.