Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Somaliland Oo Kahor Timid Heshiis Ay Galeen DFS Iyo EU

Posted: September 2, 2019 at 8:35 am   /   by   /   comments (0)

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland waxa ay kaga hor yimaadeen heshiiskii Dowladda federaalka iyo midowga Yurub ay kala saxiixdeen 31-dii Bishii ina dhaaftay ee Agoosto.

Heshiiska waxaa uu ku saabsanaa sidii loo hirgelin lahaa dhismaha waddooyin ku yaalla Magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera, waxaana loogu magac daray duqii hore ee Muqdisho AUN Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow.

Warsaxaafadeedka Somaliland waxaa lagu sheegay in aysan Dowladda federaalka u saxiixi Karin heshiis ama mashruuc ku saabsan deegaanada maamulka Somaliland.

Wasiirka Qorseynta iyo Horumarinta Soomaliland waxaa lagu sheegay in kaalmada beesha caalamka ay si toos ah iyaga loogala xaajoodo, sidaas awgeed aysan qaadan doonin mashruuc meelo kale loosoo mariyay sida ay hadalka u dhigeen.

Maamulka Somaliland waxa ay ku hanjabeen in uusan ka fuli doonin deegaanooda mashruucaan loogu talagalay in lagu dhiso waddooyin ku yaalla Magaalada xeebta leh ee Berbera.

Heshiiska Mashruuca lagu dhisayo waddooyinka ku yaalla Magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera, waxaa uu dabajoogaa heshiisyo kala duwan oo ay kala saxiixdeen Dowladda federaalka iyo Midowga Yurub.