Featured, Arrimaha Siyaasada
Askari Dilay Arday Oo La Xukumay
Maxkamadda Ciidanka qalab sida ayaa xukun dil ah ku riday dable Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo loo haystay in uu degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir ku dilay wiil arday ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud
26 july ee sanadkan ayuu dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir sida ay sheegtay Maxkamada Ciidanka Qalab sida.
Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday dhiganayay School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay sida Maxkadu sheegtay.
19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.
Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka, warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47.
Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah.
Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan miirkiisa joogin.
Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Recent Comments