Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Qarax Ka Dhacay Muqdisho
Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay halka afar kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari laga buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Gaari NOAH ah oo laga buuxiyay walxaha qarxa u ku qarxay isgoyska gaar ahaanna dhinaca degmada Deyniile oo uu ka galay markii hore.
Sarkaal ku sugan goobta ayaa xaqiijiyay in bar tilmaameedka weerarku ahaa Xafiiska Maaliyadda ee Koontaroolka.
Sarkaalka ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ka shakiyeen gaariga inta uusan gudbinna ay joojiyeen kaddibna rasaas ku fireen sidaasna ku qarxay.
Qaraxa ayaa ku soo aaday iyada oo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay in la furayo jidadka xiran ee Magaalada Muqdisho.
Cumar Finish ayaa shacabka Muqdisho ka codsay in ciidamada amaanka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga Muqdisho.
Recent Comments