Featured, Arrimaha Siyaasada
Kheyre Oo La Kulmaya Beelaha Galmudug
Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta kulamo wadatashi ah la qaadanaya beelaha kala geddisan ee ka qeybgelay shirka dib u heshiinta Galmudug.
Ra’isalwasaraaha iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.
Shirka beelaha Galmudug aya alagu wadaa in ra’isalwasaaruhu furo maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay afarta bisha sida uu shalay ku dhawaaqay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgelaya beelaha dega dowlad Gobleedka Galmudug waxaana lagu doonayaa in lagu soo dhiso maamul uu yeesho Galmudug.
Qaar ka kid ah Beelaha Galmudug ayaa sheegay in shirkaas aysan ka qeybgeleyn cidkasta oo magacooda ku tagtana aysan iyaga matalin.
Recent Comments