Featured, Arrimaha Siyaasada
Dib u Dhac Ku Yimid Shirkii Dhuusamareeb
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in Maanta markale uu dib u dhacay Furitaanka Shirka Dib u heshiinta Beelaha Dowlad Goboleed Galmudug.
Shirwaynaha Dib uheshiinta beelaha Galmudug ayaa lagu waday in uu maanta ka furmo Magaalada Dhuusmareeb ayaa dib udhac uu kuyimid lamana sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu Shirku furmayo dib u heshiinta beelaha Maamulka Galmudug .
Xumno ka tirsan gudiga qaban qaabada shirka dib uheshiinta beelaha Galmudug waxa ay sheegeen in howlo farsamo uu shirku dib ugu dhacay waxa ayna intaas ku dareen in ay ku rajo weyn yihiin in shirku si rasmi ah Dhuusamareeb ugu furmo Maalinta bari ah.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxa uuna kulamo la leeyahay Hoggaanka Ahlusunna, Saraakisha Ciidamada, Madaxda Dhaqanka iyo Dhalinyarada Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb shalay waxaa gaaray Ergada Magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud ugu qayb galaysa shirka dib u heshiinta Galmudug oo horay u diiday in ay ka qayb galaan Shirka Magaalada Dhuusamareeb ka furmaya.
Dhawaan ayay aheed Markii Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu sheegay in shirka dib u heshiinta Beelaha Galmudug uu furmayo 4 September oo maanta ku beegan waxaana waxaana muudaqata in uu markale dib u dhacay.
Recent Comments