Featured, Arrimaha Siyaasada
Uhuru: Wasiirkeenna Dibadda Ayaa Ka Seexday Kiiska Badda
Wargeyska The Star ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa qoray maqaal dheer oo uu uga hadlayo khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Kenya iyo Wasiiraddiisa arrimaha dibadda.
Wargeyska oo xiganaya ilo ka mid ah Madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in Monica Juma lagu heysto sida ay u wajahday arrinta Badda ee Kenya kala dhaxeysa Soomaaliya, sida ay ula dhaqantahay dowladda Itoobiya iyo diblomaasiyiin aan xirfadyahanno ahayn oo ay magacowday.
Waxyaabaha ugu culus ee lagu heysto waxaa ka mid ah in siyaasadda arrimaha dibadda Kenya haadaan ka ridday islamarkaana Kenya u nugushay in labo jeer ay fagaarayaal Caalami ah ku guul darreysto sanadka soo socda.
Midda hore waxaa arrinta Badda oo Monica Juma lagu eedeeyay in qaab aan waafaqsaneyn diblomaasiyadda ula dhaqantay Soomaaliya sidoo kalena ay iyada oo aan la tashi la sameyn Madaxtooyada go’aanno masiiri ah gaartay.
Midda 2aad ayaa ah kursiga golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo sanadka dambe kula tartameyso dowladda Jabuuti.
Juma ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay si shakhsi ah u weerartay dalka Itoobiya oo ah saaxiib dhow oo ay leedahay Kenya taas oo iyana qeyb ka ah qaladaadka Monica Juma.
Sidoo kale Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau, ayaa lagu eedeeyay in uu dhawr jeer warbaahinta ka hadlay islamarkaana go’aanno aysan dowladda raalli ka ahayn ku dhawaaqay.
Arrintan ayaa la sheegay in aysan faxad gelinin Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo labada qof u arka kuwa ku ciyaaray doorkii diblomaasiyadeed ee Kenya ku lahayd Caalamka.
Recent Comments