Featured, Arrimaha Siyaasada
Safarka Kheyre Ee Baydhabo
Ra’iisul wasaaraha Xumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleed Koofur Galbeed Soomaaliya waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulkaasi.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa garoonka Shaati gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay, Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.
Xasan Cali Khaye iyo wafdigiiisa ayaa loo galbiyay Garoonka Kubada Caga Dr Ayuub ee Magaalada Baydhaba halkaas oo ay ku sugan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Magaaladaasi oo wata Boorar ay ku xardhanyiin sawirada Ra’iisul wasaare.
Ra’iisul wasaaraha oo bulshada kula hadlay Garooka Kubada cagta ayaa mahad celinta ka dib shacabka u sheegay in u jeedka ay u tageen Baydhabo ay ka mid tahay hormarinta amaanka,Caafmaadka ,waxbarashada ,shaqo abuuka iyo sidii maamulka Koofur ugu guurilaahaa caasimadiisa rasmiga ah.
Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu ku sugnaa deegaanada Galmudug, halkaasi oo uu ka waday dadaalo dib u heshiisiineed,wuxaana uu halkaas kasoo furay Shirka dib u Heshiisiinta galmudug kaas oo ay ka qeybgalayaan ergooyin badan oo reer galmudug ah, Sidoo kale wuxuu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.
Recent Comments