Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

QM: 250 Kun Soomaali Ah Ayaa Ku Barakacay 7 Bil Gudaheed

Posted: September 10, 2019 at 11:15 am   /   by   /   comments (0)

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dad ka badan 250,000 oo qof oo Soomaali ah ku barakaceen Gudaha Soomaaliya todobadii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2019ka.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey waxaa ay ku sheegtay in Bilihii January ilaa July ee sanadkan 2019 ay barakaceen dadkaas iyaga oo barakacoodu ka dhashay abaarta iyo colaadaha ka aloosan dalka.

Xafiiska isku dubarridka arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in 100,000 oo ka bid ah dadkaas ka barakaceen abaaraha  halka inta kalena ay saameeyeen colaadaha ka jira dalka.

126,000 oo qof ayey warbixintu xustay in saameeysay colaadaha hubeysan iyo khilaafaadka ka jira dalka.

UNOCHA ayaa sheegtay in sanadkii hore ee 2018kii ay gudaha Soomaaliya ku barakaceen dad gaaraya 208,000 oo qof.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in heerka barakaca sanadkan uu 50% ka badan yahay sanadkii hore marka la bar bar dhiigo tirada ku barakacday gudaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa intaas raacisay in kaliya 33,000  oo qof oo ka mid ah rubac malyuunka qof ay heleen gargaarka ay bixiyaan hay’adaha ka howlgala Soomaaliya waxaana waxyaabaha la gaarsiiyay ka  mid ah ah, Bacaha Roobka, Caagadaha biyaha,Agabka raashinka, agabka lagu jiifto, iyo wixii la mid ah.