Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dad ku dhintay qarax ka dhacay Diinsoor

Posted: September 12, 2019 at 8:57 am   /   by   /   comments (0)

Ugu yaraan shan qof oo ay ka midyihiin dad rayid ah ayaa ku dhintay markii qarax ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Shigshigoow kaas oo la xaqiijiyay in uu ka badbaaday.

Weerarkaas qaraxa ah ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo rayid ah iyo saddex ka mid ah ilaalada Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Waxaa weerarkaas ku dhaawacmay labo qof oo kale oo ka mid ah Ciidamada ilaalada u ahaa Guddoomiyaha Diinsoor.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaasi dhacay xilli Ciidamada ilaalada u ah Guddoomiyaha degmada ay marayeen gudaha magaalada halkaasna kula kacday miino dhulka loo geliyay.