Featured, Arrimaha Siyaasada
Al-shabaab: Waxaan Dilnay Askar AMISOM Ah
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in afar iyo toban ka mid ah Ciidanka Burundi ee AMISOM ku dileen dagaal ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Sheegashada Al-shabaab ayaa daba socota dagaal shalay gelinkii hore ka dhacay Tuulada Gololey ee 10km u jirta degmada Balcad.
Waxaa ay sheegeen in 12 ka mid ah Meydadka askarta Burundi lagu arkay Gololey agagaarkeeda halka labada kale meydkooda la geeyay Saldhig ay Ciidanka Burundi ka sameysteen Gololey lafteeda.
Weerarkaas waxaa ka horeeyay weerar loo adeegsaday qarax Miino ahaa oo ay ku dhinteen Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle, Guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda Shabeellaha dhexe, qof u shaqeynayay hay’ad u doodda arrimaha Haweenka iyo qaar ka mid ah ilaalada la socotay.
Dhinaca Howlgalka AMISOM iyo dowladda Federaalka ah wali kama hadlin dagaalka shalay duhurkii ka dhacay Waddada isku xirta Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Recent Comments