Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Midowga Yurub oo dib u bilaabaya Dhismaha wada isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe
Maamulka Puntland ayaa sheegay in Midowga Yurub uu dib u bilaabi doono dhismaha wadada isku xigta Garoowe iyo Gaalkacyo oo bishii September ee sannadkii 2018 la joojiyay kadib markii musuq maasuq lagu eedeeyay hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA loo soo gaabiyo.
Af-hayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) oo ka warbixinayey kulan shalay dhexmaray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine ayaa xaqiijiyay in mar kale uu Midowga Yurub ballan-qaaday dib u bilaabidda mashruucii istaagay ee dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo.
Dabaraani ayaa sheegay in Xukumada Puntland ay ka go’antahey Fulinta Mashaariicda ay ka helaan Hay’adaha Caalimagaa ee taageera dib u diska Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.
Mashruuca dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo waxaa la daah-furay 11-Maarso 2015 waxaana xilligaasi la shaaciyay in ay ku baxayso lacag dhan $21 malyan oo Dollar taasi $18 malyan oo kamid ah ay bixinayso Midowga yurub halka $3 malyan ee kalena ay bixinayso dowladda Jarmalka.
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Andreas Pesxhke ayaa maalintaasi ballan-qaaday in xukuumaddiisa ay ka go’antahay fulinta mashruuca.
Balse qoraal 5-September 2018 ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay mashruuca kadib markii musuq maasuq lagu eedeeyay hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA.
Hayeeshee dowladda Jarmalka ayaa mar kale 7-di bishii April ee sannadkan sheegtay in dib loo bilaabi doono dayac-tirka iyo dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo kadib kulan dhexmaray safiiradda Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha Puntland Siicid Cabdulaahi Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash ayaa Garowe kulamo kula leh Garowe Madaxda Midowga Yurub iyo Masuuliyiinta ka qayb galaya shirka Maalgashiga Puntland oo shalay Garoowe ka furmay.
Recent Comments