Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Burundi oo shaacisay Askartii looga dilay weerarkii Gololey

Posted: September 16, 2019 at 8:18 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in 12 ka mid ah Ciidankeeda jooga Soomaaliya lagu dilay weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar sabtigii la soo dhaafay.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Burundi kuna sugan Magaalada Bujambura ee caasimadda Burundi ayaa qiray in 12 Askari ku dhinteen weerarka lix kalena ku dhaawacmeen.

Mas’uulka oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in Ciidamada xilligii la weerarayay ay ka soo laabteen howlgal dhinaca amniga la xiriira.

Al-shabaab oo sabtigii ka hadashay weerarkaas ayaa sheegay in ay dileen 14 ka mid ah Ciidamada Burundi kuwo kalena ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay degaanka Gololey oo ay saldhig Ciidan ku leeyihiin Ciidanka AMISOM ee ka socda Dalka Burundi.

Isla goobtaas waxaa sabtigii lagu dilay mas’uuliyiin ka mid ahaa maamulka Hirshabeelle oo qarax Miino uu ku qabsaday halkaas waxaana goobta ku dhintay ilaa saddex qof.

Dadkaas waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle, Guddoomiyihii Maaliyadda Shabeellaha dhexe iyo Mas’uul ka tirsanaa Hay’ad dhinaca Haweenka u dhaq dhaqaaqda.

Al-shabaab ayaa sare u qaaday weerarrada ay ka geysanayaan Gobolka Shabeellaha dhexe waxaana weerarradaas isugu jiraan kuwa gaadmada ah iyo Miinooyinka la geliyo dhulka.