Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha oo ka hadlay sababta uu isu casilay
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada xoolaha, dhirta iyo Daaqa C/Kariin Khaliif Dhalac ayaa waxaa uu sababeeyay is casilaaddii uu xalay ku dhawaaqay.
Wasiirka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu isu casilay tahay faragelin uu sheegay in dowladda Federaalka ah ku heyso Maamulka uu ka soo jeedo ee Galmudug.
C/Kariin Khaliif Dhalac ayaa sheegay in dowlad Goboleedka Galmudug uu yahay dowlad Goboleed jiray inkasta oo uu tabar yaryahayna uusan ka duwaneyn dowlad Goboleedyada kale ee ka jira dalka.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in is casilaadda wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha salka ku heyso sida aysan beeshiisu ugu qanacsaneyn sida ay wax uga socdaan Galmudug.
Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha uu ka soo jeedo ay ku cadaadiyeen in uu xilka iska casilo.
Galmudug ayaa waxaa hadda ka socda dib u dhiska Maamulkaas kaddib markii maamulkii uu hoggaaminayay Madaxweyne Xaaf xilka ka dhamaaday islamarkaana aan la qaban doorasho lagu doorto madaxweynihii beddeli lahaa.
Magaalada DHuusamareeb ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay wajiga 1aad ee shirka dib u hesiinta beelaha Galmudug waxaana loo gudbay wajiga 2aad oo ah dhismaha maamulkaas.
Recent Comments