Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Sirdoonka Itoobiya oo sheegay in uu qabtay xubno ka tirsan AL-shabaab iyo ISIS

Posted: September 22, 2019 at 8:03 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa sheegtay in Sabtigii ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah AL-shabaab iyo Daacish kuwaas oo qorsheynayay weerarro ay ka geystaan dalka Itoobiya.

Warbaahinta Dowladda ee FANA ayaa baahisay in xubnaha la qab qabtay qaarkood ay xogo ururinayeen kuwana sawirro ka qaadayeen goobo la qorsheynayo in ay beegsadaan.

Meelaha ay beegsanayeen waxaa ka mid ah Hoteellada, goobaha cibaadada, meelaha dadka ku badanyihiin iyo meelo kale oo dhamaan ka wada tirsan Adis ababa sida ay shaacisay Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS.

NISS, ayaa sidoo kale sheegtay in sirdoonnada Itoobiya iyo Jabuuti iska kaashanayaan sidii loo qaban lahaa Maxamed Cabdullahi oo ah hoggaamiyaha kooxda qaarkood la qabtay.

Goobaha laga qabtay ayaa waxaa ka mid ah caasimadda Adis ababa,Gobolka Oromada, iyo Gobolka Soomaalida .

Ururka Daacish oo saldhig kasameystay buuraha Galgala ee gobolka Waqooyi Bari Soomaaliya  ayaa Agosto-2019 waxa uu sheegay in u wareegayo  dalka Itoobiya halkaas oo ay ka jirto deganaansho la’aan ka dhalatay qowmiyadaha isdiiddan ee dalka Itoobiya.

Muuqaal uu baahiyay Ururku oo soconayey muddo saddex daqiiqo ah kuna baxayay afka Amxaariga ayuu ku muujiyey dagaalamayaal Itoobiyaan ah oo katirsan Daacish iyo.

Daacish ayaa muuqaalka ay baahisay ku ballanqaadday in ay sameyn doonaan muuqaallo badan oo afka Amxaariga ah sidoo kalena ay dad badan oo Itoobiyaan ah qoranaeyso.