Featured, Arrimaha Siyaasada
Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Newyork
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dhoofay Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu ku sii jeedaa dalka Mareykanka gaar ahaanna Magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu ka furmayo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha ayaa markii ugu horreysay ka qeybgelaya shirkan isaga oo Madaxweyne ah, labadii sano ee la soo dhaafay waxaa uu uga baaqanayay dhalashadiisii Mareykanka ahayd.
Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khudbad ka jeedin doona shirka 74aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobey.
Waxaa uu 1dii August ee sanadkan ku dhawaaqay in uu ka laabtay dhalashadii uu ka heystay Mareykanka ee labadii sano ee la soo dhaafay ka hor istaagtay in uu tago New York.
Xasan Cali Kheyre iyo Axmed Ciise Cawad ayaa labadii sano ee la soo dhaafay Madaxweynaha ku matalayay shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey.
Recent Comments