Featured, Arrimaha Siyaasada
CC Shakuur Oo Ka Hadlay Xayiraaddii Sheekh Shariif
Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saaray amar ah in gebi ahaanba la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Kismaayo muddo 3 maalmood ah oo maanta ka bilaabaneysa.
Amar ka soo baxay Hey’adda ayaa lagu wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo.
Sidoo kale waxaa Maamulka tilmaamay in marka ay dhamaato mudada xanibaada saaran tahay la fasixi doono duulimaadyada.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in dowladda si rasmi ah u joojisay duulimaadyadii Kismaayo tagi jiray, sababo la xiriira in aanay magaaladaas tagi wafuud ka qeyb galeysa xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka sheegtay in aanay aqoonsaneyn.
Maalintii shalay ayay aheyd markii diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd Sheekh Shariif , kuna soo jeeday magaalada Kismaayo laga hor-istaagi, kaddib amar ka soo Hey’adda Duulista Hawada, kaasoo ahaa in diyaaradaha ay fasax soo weydiistaan muddo 24 saac ka hor.
“Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad ayaa dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka. Dowladnimo dastuur ayey ku dhisan tahay, ku tumashada dastuurkana waa khiyaano qaran. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre amarkooda ayaa lagu laayey shacabkii Baydhabo, doorasho ay AMISOM tartamayaashii qaarkood xabsiga dhigtay, dadkii ka dhiidhayeyna laysay ayuu Farmaajo caleema saarkeedii cammirtay”
C/raxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dalka kaligood ma laha, Dastuurkana kama wayna, haddiise ay u qaateen in dulqaadku yahay daciiftinimo, is-xakamayntu tahay itaal yari, tanaasulkana yahay taagdarri, dhabtii wadada ay ku soctaan waa mid horay ka xiran”
“Maadaama iyadoo dastuurkii lagu tumanayo, heshiiskii bulsho ee nabadda jilicsan ee dalkeena lagu ilaalinayey, la burinayo, daandaansi kasta oo dhiilo iyo colaad horseedi kara lagu kacayo , lana ogyahay muruqa iyo awoodda lagu dangiigana ay kan AMISOM yahay, ayna waxa dhacaya ka aamusan tahay, eedda AMISOM ayaa leh, iyadaana ka masuul ah wixii dalkaa ka dhaca”
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay hor istaagtay safar uu madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ku aadi lahaa magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose, halkaasi oo uu kaga qeybgali lahaa munaasabadda caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe.
Recent Comments