Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Faarax Macalin: Gobollada Muslimiinta Ee Kenya Ha Mamnuucaan Khaatka
Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macalin Dawaara ayaa waxaa uu ku baaqay in dadka Kenyaanka ah iska joojiyaan Qaadka ka soo baxa Gobollada kale ee dalka Kenya.
Faarax ayaa waxaa uu Baarlamaannada Gobollada kala ah; Garissa, Wajir, Mandera, Isiolo, Marsabit, Lamu, Tana River iyo Mombasa ugu baaqay in ay meel ariyaan xeer mamnuucaya Qaadka.
Waxaa uu sheegay in Qaadku uu daroogo yahay islamarkaana Gobolladaas dadkooda dhib badan kala kulmeen.
Waxaa kale oo uu Faarax Macallin intaas ku daray in Gobollada uu magacaabay ay ku daydaan Midowga Yurub oo sidan oo kale horay u sameeyay.
Midowga Yurub ayuu sheegay in kumanaan qof ay badbaadeen kaddib markii ay iska joojiyeen Qaadka.
Wasaaradda Ganacsiga ee Kenya ayaa ku howllan sidii ay qaad badan ugu dhoofin lahayd dibadda.
Kenya ayaa waxaa Qaadkeeda 90% iibsada Soomaaliya waxaana maalin kasta ay ka qaadataa 50 Tan oo Qaad ah taas oo ka dhigan in Sanadkii ay ka sameyso $150Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Recent Comments