Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha

Soo Xulista Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland Oo Ka Bilaabatay Kismaayo

Posted: June 29, 2019 at 6:45 pm   /   by   /   comments (0)

Iyada oo ay dhowr todobaad oo kaliya ka harsan tahay doorashada xildhibaanad iyo madaxda fulinta ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa magaalada Kismaayo ee ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland ku sii qulqulaya odayaasha dhaqanka Jubbaland si ay u soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.

Odoyaasha ayaa waxaa uu dowlad goboleedka u diyaariyey xarun gaar ah duqeydan iyagoo toddobaadkan soo xuli doona xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland .

Illaa iyo haatan ma jiro hannaan si buuxda loogu mideysanyahay oo tilmaamaya qaabka lagu soo xulayo xildhibaannada soo dooran doona madaxweynaha Jubbaland .

Qaar kamid ah musharraxiinta u tartamaya madaxtinimada Jubbaland ayaa ku eedeyay madaxweyne Axmed Madoobe inuu doonayo in saddex xubnood beel walba ay soo sharaxato kadibna hal xubin laga dhex doorto.

Msharaxiinta Jubbaland ayaa soo jeediyay in duqeyda dhaqanka ay soo xulaan xubintii ku meteli lahayd baarlamaanka.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka magaalada.

Doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubbalaan ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto Bisha Agoosto ee sanadkan.