Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Kenya oo sheegtay in uu dalkeeda galay sarkaal ay horay u xirtay Soomaaliya

Posted: September 29, 2019 at 7:29 am   /   by   /   comments (0)

Hay’adda Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab uu 24kii Bishan galay dalkeeda iyada oo shacabka ku wargelisay in ay xogtiisa la wadaagaan Saldhigga Boolis ee ugu dhow.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/Waxiid Khaliif Cabdi oo ku magac dheer Ciise Tarabuun ayey dowladda Kenya sheegtay in uu dalkeeda galay 24kii Bishan September.

C/Waxiid Khaliif Ciise Tarabuun oo ahaa Madaxa Amniyaadka ee AL-shabaab ayey dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sheegtay in sanadkii 2017 lagu qabtay Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho islamarkaana ku jiro Hay’adaha amaanka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuurkar Islow Ducaale ayaa waxaa uu sheegay xilligaas in Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigeen Ninkaas.

lama oga in Ciise Tarabuun siideysay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo in Dowladda Kenya qof kale ku qaladday hayeeshee sawirka ay adeegsatay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in uu yahay Ciise.