Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sharciga la mariyay Ciise Tarabuun

Posted: September 30, 2019 at 7:08 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal shalay ka soo baxay Dowladda Kenya oo ahaa muwaaddin Soomaali ah horayna AL-shabaabnimo loogu xiray Muqdisho in la siidaayay markii sharciga la mariyay.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciise Tarabuun oo ahaa Madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Banaadir lagu maxkamadeeyay Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya.

Waxaa warka lagu sheegay in lagu xukumay labo Sano islamarkaana uu dhameystay xabsigiisa iyada oo kaddibna dowladda la socotay dhaq dhaqaaqiisa.