Featured, Arrimaha Siyaasada
Al-shabaab oo sheegay in Ergadii dooratay Xildhibaan Jawaari gaareen Buulo Fulaay
Dhaq dhaqaaqa AL-shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada 76 Ergo oo ka mid ah kuwa doortay qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Ergadan ayaa waxaa ay Al-shabaab ku soo bandhigeen degaanka Booli Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay.
Ergadaas waxaa ay sheegeen Al-shabaab in ay xubno ka yihiin kuwii soo doortay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa ku dhawaad 1,000 Ergo ku soo bandhigay Gobollada kala duwan ee ay maamulaan.
Ergooyinkaas ayey muddo 55 Beri ah siiyeen in ay ku tagaan goobaha ay ka taliyaaan Al-shabaab si ay isu diiwaangeliyaan.
Maamullada Jubaland, Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka ah ayaa ergooyinka uga digay in ay tagaan meelaha ay ka taliyaan AL-shabaab.
Recent Comments