Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Haweeney Talyaani Ah Oo La Guursaday Iyadoo Qafaalan!

Posted: September 30, 2019 at 7:18 am   /   by   /   comments (0)

Wariye lagu magacaabo Alessandro Sallusti  oo udhashay dalka Talyaaniga ayaa saaka 30ka September 2019  daabacay waxaa  Warbixin uu uga hadlayo Gabar u dhalatay Talyaaniga oo sanadkii hore laga qafaashay kenya.

Silvia Romano, oo 24 jir ah ayuu Wariyuhu sheegay in lagu qasbay Guur Islaami ah sidoo kalena ku socoto in lagu biiriyo Islaamka iyada oo laga jarayo dalkeeda Asalka ah.

Gabadhan ayaa waxaa uu Wariyaha sheegay in isaga oo soo xiganaya ila sirdoon oo uusan magacaabeyn ogaadeen in ay lagu hayo meel ka mid ah gudaha Soomaaliya gaar ahaanna dhulka ay ka taliyaan AL-shabaab.

Dowladda Talyaaniga ayaa horay u sheegtay in ay xitaa bixineyso madaxfurashada ay dalbanayaan kooxda heysta haddii loo ogolaado in la sii daayo.

Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Talyaaniga wali kama hadlin guurka gabadhaasi dhab yahay iyo in kale waxaana aad u yar xogta laga heli karo.

Wariye Alessandro Sallusti  ayaa sheegay in warka ugu wanaagsan ee laga hayo gabadhaasi yahay in sanad kaddib afduubkeedii ay nooshahay laguna hayo gudaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo dalkeeda laga afduubtay ayaa diidday in wax madaxfurasho ah laga bixiyo Gabadhaas iyo laba dhaqtar oo u dhashay Dalka Cuba kuwaas oo iyana lagu heysto gudaha Soomaaliya.

Kenya waxaa ay ku faantay in Ciidankeeda sirdoonka soo furanayaan dhamaan ajaanibta laga qafaashay dalkeeda madaxfurasho bixintana aysan ku jirin siyaasaddeeda arrimaha dibadda.

Koox hubeysan ayaa Gabadha u dhalatay Talyaaniga qafaashay 20kii November sanadkii 2018, tan iyo xilligaasna dowladaha Talyaaniga iyo Kenya ayaa baadi goob uga jira.