Featured, Arrimaha Siyaasada
Kenya oo xirtay Nin ay sheegtay inuu fududeeyay weerarkii Dusit D2 ee Nairobi
Dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in hay’adaheeda amaanka ay Magaalada Mombasa ka qabteen Nin lagu heysto in uu fududeeyay weerarkii DusitD2 ee Magaalada Nairobi.
Ninkan oo lagu magacaabo Fawaz Ahmed Hamdun oo 28 jir ah ayaa waxaa laga qabtay gurigiisa oo ku yaalla degaanka Majengo ee ka tirsan Mombasa Axaddii todobaadkan.
Fawaz ayaa waxaa ay dowladda Kenya ku sheegtay in uu ahaa madaxa qorsheynta howlglakii Dusit D2,waxaana uu sidoo kale marti geliyay sida lagu eedeeyay Ninkii isku qarxiyay Hotelka kaas oo ka baxay Soomaaliya laguna magacaabo Mahir Riziki, sida ay dowladda Kenya hadalka u dhigtay.
Qorsheynta howlgalkaas kaliya laguma eedeyn ee waxaa kale oo lagu eedeeyay in uu AL-shabaab u qoray Dhallinyaro badan kuna biiriyay.
Weerarkii Dusit D2 waxaa ay dowladda Kenya sheegtay in ay ku geeriyoodeen 21 qof oo ay ku jireen dad Reer Galbeed ah.
Recent Comments