Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Jubbaland Iyo Puntland Oo Qaadacay Shirka SPF
Waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan 50 dowladood iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Wararka ay heshay Maandeeq News ayaa sheegaya in shirkan aanay ka qeybgali doonin dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.
DFS ayaa warqad casumaad ah u dirtay madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani, hase ahaatee waxa uu shardi uga dhigay iney sidoo kale soo casuumaan madaxweynaha Jubbaland.
DFS ayaa arrintaasi diidday, isna sidaasi ayuu shirka u qaadacay, waxaana hadda maqan Laba dowlad goboleed oo awood iyo saameyn ku leh siyaasadda dalka.
Dhanka kale, xisbiyo siyaasadeed oo dalka ka jira waxay qaarkood sheegeen in shirkaasi aan loo dhammeeyn, yahayna mid ay DFS kaligeed isku koobtay oo Soomaalida kale lagu casuumin.
Recent Comments