Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Booliska Kenya oo soo bandhigay Hub iyo rag ay sheegeen in ay yihiin Al-shabaab

Posted: October 2, 2019 at 9:11 am   /   by   /   comments (0)

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in saddex ka mid ah dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ku dileen howlgal ka dhacay Mombsa gacantana ku dhigeen 7 qof iyo Saanad ciidan.

Howlgalka oo talaadadii shalay at ka fuliyeen Magaalada Xeebta ku taalla ee Likoni ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay ku galeen Guri ay ku sugnaayeen xubnahaas.

Saraakiisha Ciidanka Amaanka Kenya ayaa sheegay in waxyaabaha ay qabteen ka midyihiin 1,600 xabbo oo rasaas ah, Bambooyin, Hub kala duwan iyo Maadooyin kiimikaad oo qaraxyada laga sameyn karo.

Mas’uuliyiinta amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in xubnahan ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab islamarkaana qorsheynayeen weerarro ay ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan shaacisay in madaxii hore ee Amniyaadka AL-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir oo ay siideysay Dowladda Soomaaliya uu galay dalkeeda 24kii September.

Dowladda Soomaaliya aaya sheegtay in Ciise Tarabuun uu dhameystay laba Sano oo xabsi ciidan ah kuna xukuntay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.