Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Xildhibaano Kenyaan ah oo lagu eedeeyay in ay heystaan dhalashada Soomaaliya

Posted: October 2, 2019 at 9:19 am   /   by   /   comments (0)

Hay’adda u dhaq dhaqaaqda anshaxa iyo ka hortagga Musuqa oo ka jirta  Dalka Kenya ayaa waxaa ay dacwad ku soo oogtay 10 Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Dalka Kenya.

Tobanka XIldhibaan ayaa lagu eedeeyay in ay kala heystaan dhalashada Soomaaliya, Itoobiya, UK, Mareykanka, Gariigga iyo kuwo kale.

Afar ka mid ah Xildhibaannadaas waxaa ay heystaan laba Baasaboor oo kala ah Soomaali iyo Kenyaan, mid waxaa uu isku heystaa Baasaboorrada Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

halka inta soo hartay min hal baasaboor ka heystaan Dalalka Ingiriiska, Gariigga iyo Mareykanka.

Okiya Omtatah, oo ah Guddoomiyaha Hay’addaas ayaa sheegtay in Xildhibaannadaas ay galeen qiyaano qaran loona baahanyahay in lagula xisaabtamo falka ay ku kaceen.

Mid ka mid ah Xildhiabaannada liiska ku jira ee la eedeeyay ayaa beeniyay in uu heysto dhalashada Waddan kale ,waxaana uu qoraal kooban ku yiri ” Aniga ma heysto baasaboor Waddan kale”.

Sarkaal ka tirsan Guddiga la dagaallanka musuqa ee Dalka Kenya oo lagu magacaabo Yasin Amaro, ayaa sheegay in ay baarayaan arrintan,waxaana uu xusay in Xildhibaannadaas lala xisaabtamayo.

Qodobka 78aad ee Dastuurka Kenya oo la meel mariyay 2010kii ayaa mamnuucaya in qof kasta oo darajo dowladeed ka qabanaya Kenya uusan heysan karin dhalashada waddan kale.