Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Deni: “waan ka xumay in shirka intaas la eg ee Xamar ka furmay aan baraha Bulshada ku aragno”
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku bahdishay shirka Muqdisho.
Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in shirkaas aan laga talo gelinin sidoo kalena shirkaas Ajendahiisa ku arkeen kaliya Baraha Bulshada.
Deni ayaa intaas ku daray in Puntland shirkaas laga siiyay shan daqiiqo khudbad ah sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa uu intaas raaciyay in Dowladd federaalka ah ee Soomaaliya ay isku koobtay shirka Puntland oo sida uu hadalka u dhigay ah hooyada Federaalka aan laga talo gelin shirka Caalamka.
Waxaa kale oo uu Deni sheegay in dowladda Federaalka ah ku xadgudubtay dowlad Goboleedka Jubaland oo uu sheegay in doorasho xalaal ah ay ka dhacday.
Dowlad Goboleedka Puntland ayuu sheegay in ay sidaas ku diidday shirkaas ka qeybgalkiisa maaddaama uusan ahayn mid masiirkeeda iyo taladeeda wax laga weydiin.
Deni ayaa shacabka Gobolka Bari xalay kula hadlayay Magaalada Boosaaso iyada oo kulankaas la xiriiray kulan dhexmaraya Madaxweynaha iyo dadka Gobolka.
Recent Comments