Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Kheyre oo Wafdi kasocda Kenya la qaatay Kulan qarsoodi ah!
Sida uu Boggiisa Twitter-ka kusheegay Ababu Namwamba Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya kulanka dhexmaray Wafdiga Kenya iyo Raisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu kusaabsanaa arrimo u dan ah labada waddan Soomaaliya iyo Kenya.
Kulanka oo loo badinayo in uu kadhacay meel kabaxsan xafiiska Raisalwasaare Kheyre ayaa sida uu shaaciyey Ababu Namwamba waxa kaqaybagalay Danjiraha Kenya ee Soomaaliya Gen. (Rtd) Lucas Tumbo iyo agaasiamaha Waaxda Nabadgelyada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya John Kilonzi.
Kulanka Raisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdiga Kenya ookadhacay Muqdisho waxaa ka horreeyey kulan kale oo danjiraha Ingiriiska ee Kenya Jane Marriot ay la qaadatay madaxweyne kuxigeenka Kenya William Kipchirchir Samoei Arap Ruto kaas oo ladhacay guriga William Ruto ee magaalada Nairobi.
Kenya waxa ay waddaa dadaal iyo cadaadis siyaasadeed oo kusaabsan Kiiska Badda Soomaaliya oo hadda horyaal maxkamadda ICJ iyada oo Kenya codsatay in dib loo dhigo muddo sanad ah hayeeshee waxa ay maxkamaddu ogolaatay in ay dib u dhigto muddo 2 bil ah taas oo ku eg bisha Oktober iyada oo dhegeysiga Kiiska Badda Soomaaliya ay maxkamaddu sheegtay in ay billaabeyso dhegeysigiisa 4-Nov-2019.
Haddaba maxay sababi karaan kulamada qarsoodiga ah ee ay siyaasiyiinta xilalaka sare haya la yeeshaan madaxda Kenya oo dadaal iyo xusulduub weyn ugu jira qaadashada qyab kamid ah badda Soomaaliya?
Maxay kawada hadleen Danjiraha UK ee Kenya Jane Marriot iyo Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya William Ruto.
Recent Comments