Featured, Arrimaha Siyaasada
Wasiir Abgaal “qofkii ka bixi waaya Guryaha danta guud ee Garowe waa la dilayaa”
Maamulka Puntland ayaa dil ugu hanjabay dadka deggan Guryaha danta guud ee ku yaalla Magaalada Garowe.
Xasan Shire Cabdi (Abgaal) ayaa sheegay in la tooganayo qofkii isku dhejiya guryaha danta guud ee ay dad gaar ah ku daneynsanayaan.
Wasiir Abgaal waxaa uu sheegay in dhowr jeer maamulka digniin u diray dadka heysta guryaha dowladda hayeeshee aysan ka jawaabin isaga oo ku ballanqaaday in ay qaadi doonaan tallaabo ku qasabta in ay banneeyaan.
Ciidamada amaanka Puntland ayuu ku amray in ay howlgal lagu banneynayo guryaha danta guud ka billaabaan ciddii ka hor timaadana toogtaan.
Xasan Shire ayaa sheegay in dhulkaasi ka dhaxeeyo ummadda Soomaaliyeed islamarkaana qasabtahay in ay dowladda ku shaqeyso.
Maamulka Puntland ayaa hanjabaaddaas dul dhigay dadka Magaalada Garowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.
Recent Comments