Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Muxuu Daaran Yahay Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre Ee Galmudug?

Posted: June 30, 2019 at 7:45 am   /   by   /   comments (0)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu safar ku marayaa deegaannada Galmudug, isaga oo la kulmay madax ku sugan halkaasi, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa ka bilowday degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, balse wuxuu safarkan yeeshay weji cusub oo ka duwan midkii laga filayey.

Ulajeedka Kheyre u aadey Dhuusamareeb wuxuu ahaa inuu la kulmo madaxda Galmudug iyo kuwa Ahlu-sunna, si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi.

Arrinta waxaa weji kale u yeelay kadib socdaalkii madaxweyne Xaaf ee uu ugu guuray degmada Cadaado, waxaana markaa soo baxay daldaloolo u baahan in uu Kheyre daboolo.

Wuxuu Ra’iisul wasaaraha tagey dhammaan degmooyinka Galgaduud si loo helo aragti sax ah oo lagu dhiso maamulka Galmudug oo markaan loo mideysan yahay.

Xalay ayuu Ra’iisul wasaare Kheyre dib ugu soo noqday magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna la leeyahay kulamo madaxda Ahlu-sunna, iyadoo ugu dambeyn lasoo saari doono war-saxaafadeed ku aaddan sida loo dhisi doono Galmudug loo dhan yahay.

Doorasho ma ka dhici kartaa Galmudug?

Waa su’aal ay dadku in badan isweydiinayaan, waana hadafka kaliya ee hadda laga leeyahay shirarka socda.

“Doorashada waqtigeeda waa ay ku dhici kartaa haddii si sax ah wax loo wado, la xalliyo tabashada jirta ama xitaa ugu yaraan la helo dad isku kalsoon” waxaa sidaasi ku yiri Maandeeq xildhibaan Nuur Warsame oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Nabadoon Warsame Axmed Ugaas, isna wuxuu ka mid yahay waxgaradka kasoo jeeda deegaannada Galmudug, isaga oo la hadlay Maandeeq ayuu yiri “Annaga waxa aan mar walbo sugeynay ayaa ahayd in la heli Galmudug oo si xalaal ah ku dhisan, sidoo kalena meesha laga saaro wax walbo oo dhib ama carqalad ah, sidey hadda wax u socdaan runtii waxay u muuqdaan kuwo meeshii aan rabnay ku wajahan”

Dib u heshiisiin maloo baahan yahay?

Inkastoo ay socdaan dedaallo badan oo ku aaddan xallinta wixii dhacay, hadane siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood ayaa qaba in Galmudug u baahan tahay dib u heshiisiin kahor inta aanay dhicin doorashada.

C/raxmaan C/laahi Daqare oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qaba in kahor doorashada Galmudug ay wanaagsan tahay isku keenista dadka deegaanka, lana heshiisiiyo.

“Waxaa aniga ila wanaagsan in heshiis la dhex-dhigo dadka deggan Galmudug, kadibna la aado doorasho, sababtoo ah dadka isku uur fiyow ayaa wax isku darsada” ayuu yiri Daqare.

Hadaba waxaa laga war sugayaa waxa kasoo baxa kulamada haatan u socda Ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxda Ahlu-sunna, waxaana lagu go’aamin doonaa masiirka Galmudug iyo wuxuu Kheyre soo arkay intaba.

Maandeeq

Muqdisho, Somalia