Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliye ka tirsanaa Ciidanka DANAB oo qarax lagu dilay

Posted: October 3, 2019 at 7:32 am   /   by   /   comments (0)

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in askar shalay ku dhimatay qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelasha iyo Afgooye uu ka mid ahaa Taliyihii 3aad Ciidanka DANAB oo uu tababaray Mareykanka.

Maxamed Cali  Cismaan oo ku magac dheeraa (Maxamed Yare) ayaa la xaqiijiyay in uu ka mid ahaa Ciidamo gaarayay lix askari oo shalay gelinkii dambe ku dhintay qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Maxamed waxaa uu ahaa Taliyihii  qeybta 3aad ee loo tababaray DANAB,waxaana lagu sheegay in uu ahaa nin howlkar ahaa.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay in Maxamed ka mid noqday Askarta weerarkaas ku dhintay.

Maxamed waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay Ciidamadii dowladda Soomaaliya ee Magaalada Marka ka saaray Al-shabaab.