Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maraykanka Oo Sanadkan Soomaaliya Ku Bixyey $498 Milyan

Posted: October 3, 2019 at 7:34 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in lacag ku dhow $500Milyan oo doollar ay ku bixisay Soomaaliya sanadkan 2019ka oo kali ah.

Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Kaalmada ee USAID ayaa waxaa ay sheegtay in guud ahaa sanadkan ay Soomaaliya ku bixisay taageero dhaqaale oo gaaraya $498Milyan .

Waxaa ay shalay ku dhawaaqday $257 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ku bixineyso kaalmadeeda dheeraadka ah ee howlgalkeeda bani’adamnimada Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in howlgalkeeda Soomaaliya ay ku bixineyso lacagaha ugu faraha badan.

USAID ayaa sheegtay in lacagahaas wax looga qabanayo baahida cuntada, biyo nadiif ah, caafimaadka,iyo nafaqo darrada.

Diana Putman oo u hadashay USAID ayaa sheegtay in ay sii xoojinayaan kaalmada ay ku bixiyaan dadka Soomaaliyeed.