Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Nin Baasaboorka Somaliya ku raadinayay dhalashada Ireland oo la maxkamadeeyay

Posted: October 5, 2019 at 8:21 am   /   by   /   comments (0)

Xasan Macoow oo Soomaali ah ayaa lagu helay in baasaboor Soomaali ah oo been abuur ah ku raadinayay dhalashada Dalka Ireland waxaana lagu ganaaxay lacag dhan €300 oo lacagta Yuurada ah.

Garsooraha Maxkamadda Eirinn McKiernan, ayaa sheegay in Xasan sanadkii 2016kii lagu helay adeegsiga baasaboorka bugga ah markiisii horena la qaabilay isaga oo magangalyo doon ah sanadkii 2011kii.

Maxkamadda ayaa sheegtay in qof Soomaaliya uu Baasaboor been abuur ah u soo sameeyay, qeybta sare ee Baasaboorka ayey Maxkamadda sheegtay in uu ahaa mid sax ah laakiin warqadaha gudaha ku jira ay ahaayeen kuwo been ah.

Macoow mar la wareystay waxaa uu sheegay in Baasaboorka uu u maleeynayay mid dhab ah islamarkaana uusan ka warqabin in uu bug ahaa.

Baasaboorka ayaa laga sameeyay dalka Beliumka waxaana looga qaaday sida uu sheegay lacag dhan $150 doollar.

Xasan Macoow ayaa sidoo kale lacag dhan €300 oo yuuroo oo damiin ah lagu siidaayay,waxaana wali socda kiiskiisa sida ay sheegtay Maxkamadda.

Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in Xasan Macoow uu ka shaqeysan karo Baska Magaalada Dublin ee dalka Ireland.