Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiir Geelle “DFS Dulmigeeda Waxaa Daliil Weyn u Ah Weerarkii C/raxmaan C/shakuur

Posted: October 6, 2019 at 7:24 am   /   by   /   comments (0)

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa isaga oo ka qeybgalayey barnaamij dood ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho wuxuuu ku dheeraaday ka hadalka arrimo ku aaddan gabood fallada ay geysato DFS.

Wasiirka ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii DFS ku qaadday hoyga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Wuxuu sheegay in isaga uu la yaabay weerarkaasi markii uu maqlay, sababtuna wuxuu ku sheegay in DFS ay weerartay nin nabadeed oo aan xitaa aqoon sida qoriga loo rido.

“C/raxmaan waa nin aan u garanayo inuu xitaa aanu aqoon sida qori loo diro, markaas baa inta la weeraray la dhaawacay, sidoo kalena la laayay askartii ilaalada u ahayd”

Waxa uu sheegay in mucaaradka DFS ay dowladda saamiley ku yihiin oo ay xaq u leeyihiin in la dhowro ra’yigooda, bedalkii weerar ama hanjabaad loogu bareeri lahaa.

Daahir Geelle ayaa sheegay in dowladda haddii ay kusii socoto falalka sidan oo kale ah ay imaan karto dhibaato xooggan.