Featured, Arrimaha Siyaasada
Faah Faahin: Ciidanka DFS Iyo Kuwa Jabuuti Oo Dagaallamay
Wararka naga soo garaaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Degmadaas iyo kuwa Jabuuti ay ku dagaallamayaan halkaasi.
Dagaalkan oo shalay soo billowday aya aka dhashay Ceel Biyood ay biyo ka dhaansan jireen Ciidanka Jabuuti oo ay diideen dadka degaanka.
Diidbada dadka degaanka ayaa waxaa ku taageeray Guddoomiye ku xigeenka Amniga Maamulka Jalalaqsi intaas kaddibna ciidamada Jabuuti ayaa amray in la soo xiro Guddoomiye ku xigeenka Amniga Degmada.
Iyada oo ay halkaas taagantahay ayey Ciidamada Jabuuti saaka u diyaar garoobeen howlgal maalinle ah oo miino baaris ah,kaas oo xilliga la sameynayo la damiyo sharikadda Hormuud Xarunteeda Jalalaqsi.
Isla Guddoomiye ku xigeenka Amniga Jalalaqsi oo howlgalkaas ka shakisan ayaa diiday in xarunta la damiyo waxaana sidaas ku billowday isku dhaca Ciidanka degmada iyo kuwa Jabuuti ee ku jira AMISOM.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu khasaare geystay hayeeshee aysan kala caddeyn karin,waxaana wali shaqeyneysa xarunta Isgaarsiinta ee degmada Jalalaqsi.
Recent Comments