Featured, Arrimaha Siyaasada
Kenya: Ciyaariyahan Basaas u Ahaa Al-shabaab Oo Gacanta Lagu Dhigay
Fawaz Ahmed Hamdun, oo ay Ciidanka gaarka ah ee Kenya 2dii Bishan ka qabteen Gurigiisa oo ku yaalla Gobolka Xeebta ah ee Kenya ayaa la sheegayaa in uu ahaa Ciyaaryahan kubadda Cagta ah.
Ninkan ayaa waxaa uu intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2012 u ciyaarayay Kooxda kubadda Cagta ee Korea FC, waxaana uu kula guuleystay kooban badan.
Hayeeshee sanadkii 2012kii ayaa la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay,waxaana lagu tuhmay in uu noqday basaas u shaqeeya AL-shabaab.
2dii Bishan ayaa la soo xiray waxaana Maxkamadda Mombasa ogolaatay in muddo 20 beri ah lagu siihayo Xabsiga si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.
Markii la soo qabanayay waxaa lagu eedeeyay in uu ahaa qofkii marti geliyay ninka isku qarxiyay Hotelka Dusit D2 ee Magaalada Nairobi sanadkii hore.
Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu xubin ka yahay shabakad AL-shabaab u qorta dhallinyarada oo ka jirta Gobolka Xeebta ah ee dalka Kenya.
Dadka lagu tuhmayo in uu tashkiiliyay waxaa ka mid ah Faris Hadi, oo 20 jir ah kaas oo 8ddii Bishii la soo dhaafay ay reerkiisa sheegeen in ay la’yihiin loona malenayo inuu ku biiray AL-shabaab.
Recent Comments