Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyaha Baarlamaanka JabuutI Oo Soo Gaaray Muqdisho

Posted: October 7, 2019 at 8:56 am   /   by   /   comments (0)

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti  ayaa waxaa uu soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana soo dhaweeyay Guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya.

Maxamed Cali Xaamud Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay ka soo dageen Garoonka diyaaradaha Dalka Jabuuti.

Wafddiga ka socda Dalka Jabuuti iyo wafddi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay u gudbaan Magaalada Baydhaba.

Waxa aay halkaas kaga qeybgalayaan furitaanka kalfdhiga 6aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo berri furmaya.