Featured, Arrimaha Siyaasada
Mareeyihii Dekadda Jabuuti Oo Geeriyoodey
Sacad Cumar Geelle oo ahaa Maareeyaha Dekadda Jabuuti lana dhashay madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku geeriyooday Dalka France.
Warbaahinta dalka France ayaa xaqiijisay geerida Sacad Cumar Geelle oo ahaa Ganacsade si weyn looga yaqaanno dalka Jabuuti.
5tii Bishii July ee sanadkan 2019 ayaa xaalad caafimaad loogu qaaday magaalada Paris ee caasimadda France halkaas oo uu ku geeriyooday.
Sacad ayaa Maareeyaha Dekadda Jabuuti loo magacaabay sanadkii 2011kii xilligaas oo dowladda Jabuuti ay heshiis dhinaca Dekadaha ah la gashay sharikadda CHMI ee laga leeyahay dalka China oo maamuleysay dekadda Jabuuti.
Sanadkii 2004tii Sharikadda DPWorld ee maamuleysay Dekadda Jabuuti ayaa u magacaabatay Agaasimaheeda farsamada.
Dowladda Jabuuti wali si rasmi ah ugama hadlin geerida Sacad Cumar Geelle oo la dhashay Madxaweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Recent Comments